Deeqaha Kobcinta Tayada

Inta lagu jiro kal-fadhiga baarlamaanka ee 2022, waxaan ansixinay ku dhawaad $100M oo maalgelin istaraatiiji ah si aan u xasilino una balaarino daryeelka carruurta ee Oregon iyo shaqaalaha waxbarashada dhallaanka aana ugu diyaarino kaabeyaasheena maalgashiyada mustaqbalka ee federaalka. Lacagtaan waxaa ku jira Sanduuqa Deeqda Dhisida Tayada Daryeelka Carruurta (Child Care Capacity Building Grant Fund), kaasoo maalgelinaaya ururada bulshada u adeegga oo toos ugala shaqayn kara adeeg bixiyaasha cusub iyo kuwa horay u jiray ee daryeelka carruurta si ay u furaan xarumo cusub oo ka shaqeeya daryeelka carruurta ama ay u balaarshaan xarumaha horay u jiray si loogu adeego carruur dheeri ah.

Sidee ayaan u codsan karaa?

Seeding Justice waa hanaanka abuurista codsiga oonleenka ah ee u fudud isticmaalaha kaasoo lagu heli doono shanta luuqadood ee ugu badan ee looga hadlo Oregon. Codsiyada waxaa akhrin doonaa Gudigga Dabagalka iyo shaqaalaha Seeding Justice, marka Gudiga dabo Galku ay xaqiijiyaana ama diidaan codsi, codsadeyaasha waxaa ogeysiis u diraaya shaqaalaha Seeding Justice.

Usaidizi wa Ziada

Gudiga Dabagalka Lacagta Deeqda Tayaynta Daryeelka Carruurta (Child Care Capacity Building Grant Fund) ayaa sidoo kale qorsheynaaya inuu sameeyo taageerada iyo caawimaadaha waxbarashada dadka facood ah iyo farsamada ee dadka deeqda la siiyo, si loo xaqiijiyo inay helaan fursadaha waxbarashada wadajirka ah ayna u helaan taageero ay uga gudbaan caqabadaha inta ay ka shaqaynayaan dhaqan gelinta ama balaarinta barnaamijyada cusub. Seeding Justice ayaa la shaqayn doonta deeq qaateyaasha si ay u saxiixaan heshiisyada deeqda ayna u siiso lacagta oo oggolaaday, codsadeyaasha ayaana u qalmi kara wareeg kale oo caawimaad ah, haddii lacag soo harto.

Qofkee u qalma?

  • Khayraadka iyo Soo Gudbinnada Daryeelka Carruurta

  • Xarumaha Waxbarashada Dhalaanka

  • Haayadaha Maamulka Wada Jirka ah ee Shaqaalaha

  • Ururada bulshada ee ka shaqeeya dhaqanka gaarka ah oo leh aqoonsiga 501(c)(3) ama ah ururada dhaqaale ahaan lagu maalgeliyo 501(c)(3).

  • Ururada kale ee Bulshada U shaqeeya, ayna ku jiraan maamullada Qabiilka, xarumaha waxbarashada iyo degmooyinka adeegyada

Sidee loo isticmaalayaa lacagta?

  • Qarashaadka hore ee maamulka

  • Abuurista qorshaha ganacsiga daryeelka ilmaha

  • Waxay daboolaysaa 3-6 bilood qarashkood si loo taageero gaarista heerka diiwaan gelinta la rabo iyo in la daboolo qarashaadka maamulka.

  • Abuurista aag ku filan buuxinta ruqsadayda daryeelka ilmaha ama xeerarka kale iyo/ama si loogu adeego carruur dheeraad ah

  • Taageerada waxbarashada xirfada ee tababarada qasabka ah iyo heshiisyada barnaamijyada dheeriga ah ee tababarka bilaashka ah

  • Agabka iyo qalabka si loo taageero furista iyo balaarinta

Deeqaha ayaa loo adeegsan karaa inuu daloobo kharashaadka kaladuwan, sida:

  • Tababarka ganacsiga daryeelka ilmaha

  • Mashruucyada Dayactirka iyo Dhaqaalaha

  • Balaarinta aagga la isticmaali karo

  • Suuq gaynta iyo abuurista agabka suuq gaynta

  • Taageerada shaqaalaha

  • Caawimaada qorshaynta iyo farsamada si loo taageero kordhinta ama balaarinta goobaha

  • Dedaallada qorista iyo haynta shaqaalaha, ayna ku jiraan abaal marinnada, taageerada HR, la shaqaynta maamuleyaasha shaqaalaysiinta, iwm.

Lacagahaan waxaa maamuli doonta Seeding Justice, oo ah urur maxali ah oo bulsho kaasoo khibrad u leh maamulida lacagaha noocaan ah iyo la shaqaynta iskaashatada bulshada. Waxaa loo doortay inuu maamulo deeqdaan sabab la xariirta inuu la shaqeeyo bulshada saamaynadu soo gaarto iyo dadka ugu dhow dhibaatooyinka iyo kuwa ugu fog, qaabka ilaalinaaya dhaqanka si loo gaarsiiyo lacagta bulshooyinka "baahan". Wuxuu adeegsan doonaa xariirada adag ee isirka, jinsiga, caddaalada dhaqaalaha si loo hubiyo in lacagtaan uga baxdo bulshada ayna u gaarto adeeg bixiyaasha qaab cadaalad ah oo waqtiga ku haboon. 

Sidee loo gaaraa go'aannada?

Asagoo ah wakiilka dhaqaalaha, Seeding Justice ayaa sidoo kale gacan ka gaysan doona abuurista gudiga dabogalka oo ka kooban saamileeyda bulshada ee daryeelka carruurta si loo kormeero maamulka iyo hanaanka ku deeqida lacagta. Gudiga Dabo galka ayaa lacagta u qoondayn doona shaqaale kasta oo loo baahan yahay si loo hubiyo in wacyi gelin ku habboon la sameeyo, la faafiyo deeqda, loo baxsho caawimaada farsamda iyo taageero joogto ah oo la siiyo dadka deeqda ku guulaysta, iwm. Waxay sidoo kale bixinayaan warbixino joogto ah oo loo diraayo baarlamaanka kuna saabsan shaqooyinka lacagta, hormarka, iyo caqabadaha jiri kara.

Ururada ka qaybgeli doona Gudiga Dabogalka waxaa kamid ah, laakiin kuma koobna: